FIQI OO U HANJABAY CIIDAMADA DOWLADA SABAB?17/12/2012

FIQI OO U HANJABAY CIIDAMADA DOWLADA SABAB?17/12/2012

Magaalada Caasimada ee muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhacaya dhibaatooyin dhamaad aan laheyn oo ay ku kacayaan ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kooxo ku lebesan dharka ciidamada Dowlada Soomaaliya,kuwaasi oo xiliyadii habeeenkii dad wax yaabo kala duwan ka qaata.

Wasiirka Gaashandhiga ee Xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo waiyaasha kula hadley magaalada muqdisho ayaa waxaa uu si kulul ula hadley ciidamada Dowlada Soomaaliya kuwaada ku sugan magaalada Muqdisho iyo Gobalada dalka Soomaaliya gaar ahaana goobihii hada dhow laga qabsadey Shabaab.
 
Fiqi waxaa uu sheegey in wasaarada ay soo gaarayaan warar sheegaya in ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kooxo wata dharka ciidamada Dowlada mararka qaar ay ku kacayaan dhibaatooyin loo geysto dadka rayid ah ee aan wax galabsan oo hanti iyo wax yaabo kale ay ka qaataan.
 
Wasiirka gaashandhiga ee Xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa uu wacad ku maray in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo askarigii lagu arko isagoo dhibaato u geysanaya shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo Gobalada dalka Soomaaliya,waxaana uu kula dar daaramay shacabka iney soo sheegeen askarigii dhibaato u geysta.
 
Gaba gabadii ayaa waxaa uu sheegay Wasiirka in meeel kasta oo ka mid ah Gobalada dalka Soomaaliya oo ay joogaan ciidamada Dowlada Soomaaliya la geynayo maxkmada ciidamada qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya si ay xukuno uga fuliso askarta dhibaatada wada.