Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in howlgalo ciidamada Dowlada Soomaaliya ay ka sameeyeen Magaaladaasi ay kusoo qabteen dad badan oo ay ku eedayeen iney xariir la leeyihiin kooxda Shabaab.
Amaanka Magaalada Kismaayo ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa uu ahaa mid faraha kasii baxayay tan iyo ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Jabhada Raaskanbooni ay la wareegeen,waxaana labadii maalin ee lasoo dhaafey Magaalada Kismaayo ka dhacayay qaraxyo dilal iyo qaraxyo isugu jira.
Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo oo ku aadan dhanka Howlgalada ayaa waxaa ay sheegayaan in xaley iyo saaka Magaaladaasi howlgalo balaaran ay ka sameeyeen ciidamada Dowlada Soomaaliya kuwaasi dad badan lagu soo qabtey oo u badan dhalin yaro.
Sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha ciidamada Dowlada Soomaaliya kuwooda ku sugan Magaalada Kismaayo waxaa howlgalka ka socday Magaalada tan iyo xaley lagu soo qabtey ilaa iyo 50-ruux oo dhalinyara ah islamarkaana lagu eedayay iney magaalada qas ka wadeen xariirna ay la leeyihiin Shabaab.