GEESAY OO RADIO goofgaduud.com UGA WARAMAY SOCDAALKA UU KU JOOGO QANSAXDHEERE ,.01/12/2012

GEESAY OO RADIO goofgaduud.com UGA WARAMAY SOCDAALKA UU KU JOOGO QANSAXDHEERE ,.01/12/2012
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Baay Mudane C/fitaax Maxamed Ibraahim Geesay ayaa isagoo khadka taleefonka kula hadlayay warbaahinta goofgaduud  waxa uu sheegay inuu qansaxdheere u joogo si uu fariinta dowlada u gaarsiin lahaa Dadka degaankaasi.
 
 
waxaa uu intaasi ku daray Geesay inuu kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada uuna gaarsiiyay fariin uu uga siday Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud taas oo ku saabsanayd marxalada cusub ee uu dalku galay iyo halka mustaqbalka la tiigsanayo.
 
Gudoomiyaha Gobolka Baay ayaa sheegay inuu tagi doono dhamaan degmooyinka Gobolka Baay kuwa hada gacanta dowlada ku jira iyo kuwa ka maqan intaba.
 
mar aan wax ka waydiinay Geesay waqtiga ay qabsanayaan degmooyinka gacanta dowlada ka maqan waxaa uu noo sheegay in dhowaan ay tagi doonaan Alshabaabna diyaar ay u tahay mar walba inay ka cararto degaanadaasi hase ahaatee ka maamul ahaan iyaga inaysan go'aan ciidan gaari karin oo ay sugayaan amarka wasaarada Gaashandhiga.
 
waa markii ugu horaysay ee Gudoomiyaha Gobolka Baay uu booqasho noocan ah oo mudo qaadatay uu uga ambabaxo magaalado Baydhabo tan iyo markii uu maamulkiisa gacan ku haynta intabadan Gobolkaasi kala wareegay xarakada Mujaahidiinta alshabaab bilowgii sanadkan

Maak een gratis website Webnode