GEESEY OO BAYDHABO KUSOO LAABTAY GALABTA ASAGOO KURTUN JIDKA LOO GALAY ,05/12

GEESEY OO BAYDHABO KUSOO LAABTAY GALABTA ASAGOO KURTUN JIDKA LOO GALAY ,05/12
Gudoomiyaha maamulka Gobolka Baay C/fataax Max'ed Ibraahim Geesey ayaa dib uga soo laabtay Baydhabo galabta kadib markii uu dagaal soo dhex maray asaga iyo xarakada shabaabka.
Dagaalkaan oo la isku adeegsadey Hubka Fudfudud noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa udhaxeeyey Gudoomiyaha gobolka Ciidamo uu watay oo kasoo baxay degmada Qansaxdheere & AlShabaab-
Geesey oo aan khadka Taleefoonka kula Xiriirney ayaa BAIDOANEWS wuxu ushegey in 16 askari uu ka diley al shabaab isla markaana uu kasoo furtey ilaa 8 qori oo kuwa loo yaqaano AK47 ah. wuxuuna intaa ku daray in kooxdii shabaab ee nabad diidka aheyd sida uu hadalka udhigey ay ka carareen isla markaana uu ka daba direy ciidamo ka tirsan kuwiisa si loo soo qab qabto.
dhinacii kasoo horjedey Geesey ayaa ayaguna waxay warbaahinta qaarkood ku sheegeen in Geesey uu kusii jeedey Berdaale balse cabsi darteed uu uaga soo laabtay halkii uu usocdey waxayna intaas ku dareen in geesey la hareereeyey kadibna uuu usoo qeylistay Ethiopianka baydhabo joga.