![]() |
Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Bay ee Dowlada Soomaaliya C/fitaax maxamed Ibraahin Geesey oo la hadley qaar ka mid ah warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu aad uga hadley xaalada amaan ee Magaalada baydhabo iyo guud ahaaba Gobalka.
Geesey oo marka hore ka hadley weerar saacadihii ugu danbeeyay kooxda Shabaab ay kusoo qaadeen Magaalada baydhabo ayaa waxaa uu sheegay in weerarka uu ahaa mid lagu soo qaadey fariisinka ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah Magaalada,hase ahaatee waxaa uu tilamaamay in kooxda ay ku jabeen weerarkaasi.
C/tifaax Geesey Gudoomiyaha Gobalka Bay waxaa uu shaaca ka qaadey in amaanka Magaalada Baydhabo uu ka roonyahay sidii hore oo habeen iyo maalin howlgalo ay ka wadaan ciidamada Dowlada Soomaaliya taasi oo uu u jeedada howlgalka ku sheegay sidii Shabaab looga sifeyn lahaa guud ahaan Gobalka.
Mar uu ka hadlayay qorshaha ku aadan deegaanada Gobalka ee shabaab ay maamulaan ayaa waxaa uu tilmaamay in si deg deg ah kooxda looga saarayo guud ahaan deegnada Gobalka ay kaga sugan yihiin,isagoona intaasi ku darey in ciidamada Dowlada Soomaaliya ay u diyaar garoobeen dagaal ka dhan ah Shabaab.