GUDOOMIYAHA GOBALKA BAY OO SI KULUL U EEDAYAY KOOXDA SHABAAB. 17/12/2012

GUDOOMIYAHA GOBALKA BAY OO SI KULUL U EEDAYAY KOOXDA SHABAAB. 17/12/2012

Gudoomiyaha maamulka Gobalka bay C/fitaax maxamed Ibraahin Geesey oo la hadley warbaahinta ayaa waxaa uu ka warbixiyey socodaalo dhowaan uu ku tagey qaar ka mid ah Degmooyinka Gobalka Bay,kuwaasi oo uu uga kuur galayay xaaladaha amaanka iyo mida Nolasha.

C/fitaax Geesey ayaa waxaa uu sheegay inuu kusoo arkey meelaha uu booqdey wax la yaab leh,isagoona tusaale usoo qaatey Xaalada nolasha dadka oo aad u liidata kadib markii degmooyinka Bardaale iyo Qansax-dheere si kulul ay u saameeyeen abaarihii dalka ku dhiftey sanadkii hore.
 
Kooxda Shabaab ee Soomaaliya ayaa waxaa uu ku eedayay Geesey iney gumeysi kii uga darnaa ay ku hayeen shacabka ku dhaqan Degmooyinka Gobalka bay xiligii ay maamuli jireen,waxaana uu sheegay in dadka xoolahoodii ay heysteen ka qaateen Xarakada Shabaab ee Soomaaliya.
 
isagoo hadalkiisa wata ayaa waxaa uu tilmamay Gudoomiyaha maamulka Dowlada ee gobalka Bay in uu kulamo lasoo qaatey waxgaradka iyo Odoyaasha degmooyinkaasi ayna ku heshiiyeen sidii Degmooyinka Gobalka Bay loosoo gaarsiin lahaa gar gaar deg deg ah,waxaana uu ka codsadey Hay'adaha iney gar gaar lasoo gaaraan dadka dhibaateysan.