Idaacada Shabelle oo kamid ah Idaacadaha Maxaliga ee ka howl gala Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan soo rogaal celisay dagaalkii afka ahaa ee kala dhaxeeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
5-tii maalin ay ugu dambeysay Wararka ugu badan ee Idaacada Shabelle tabineysay ayaa ahaa War u badnaa Weerar ay ku qaadayeen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho iyadoona arintaasi ay noqotay mid magaalada aad looga hadal hayo waxa isdaba dhigay Idaacada Shabelle iyo Tarsan.
Wararka Shabelle tabineysay kuna weerareesay Tarsan waxaa kamid ahaa in uu boobay uuna lacag badan ku gatay Bacadlihii hore ee Xamar Weyne iyo sidoo kale lacago baad ah oo laga qaado gaadiidka Iskaashatooyinka iyo Warar kale oo Tarsan lagu weerarayay iyadoona Shabelle wareesaneysay cid kasto oo Tarsan wax ka sheegeesa.
Waxaa sidoo kale Shabelle tabineysay war ahaa in Duqa Magaalada Amestardem Holand in uu ka baaqday Shir lagu qaban lahaa Holand kadib markii uu ogaaday in Tarsan kasoo qeyb galayay ,iyadoona Shabelle sheegtay sababta duqa Holand katirsanbTarsan ku diiday in ay tahay in Gudoomiyaha uu ku kacay Musuq maasuq iyo falal kale oo badan sidaa darted uusan meel la fadhiisaneynin.
Wararkaas ay baahiyeen Shabelle Gudoomiye Tarsan kama uusan jawaabin hasa ahatee naftiisa mararka qaar waxa uu Shabelle kadaba tuuraa War weerar ah uu ku sheegayo in Shabelle dan umad iyo dan Shacab ku shaqeyn hasa ahaatee dano qabiil iyo dano rag u gaar ah hoosha ku fuliso , sidoo kale shaqadeyda ay tahay Fadlan lacag ku shubo oo hadii wax la siiyo ay amaanta badineyso hadii kalana dacaayada wadeyso.
Idaacada Shabelle ayaana noqotay in dhoorkii bilba mar ay diirada saarato Masuul katirsan Dowlada haba ugu darnaadee Duqa Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale Dakada magaalada Muqdisho ay dhoor mar la galeen Dagaal dhanka afka ah .
Gudoomiye Tarsan ayaa ugu dambeyn go’aansaday in Shabelle uu ka dacweeyo Xeer ilalainta Qaranka isagoona u gudbiyay Xeer ilalainta Qaranka in ay wax ka qabato Dacaayadaha tira badan ay mar walba naftiisa ka abuurto iyo sidoo kale Wararka kale ee tabiso ee wax u dhimaya Amaanka iyo Hor marka Dalka.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud AXmed Nuur Tarsan ayaa ah nin Bulshada Reer Muqdisho aad u ixtiraamana kuan xushmeeyaan wax qabadkiisa iyo daacadnimadiisa taa oo keentay in Tarsan Muqdisho taageero badan ku yeesho aadna looga jeclaado.
Aqriso Warqada Dacwada uu Gudoomiyaha u gudbiyay Xeer ilaalinta