![]() |
Waxaa xalay Xaafada Filipi ee Duleedka Magaalada Cape Town ee Dalka Joonfur Africa ka dhacay dil naxariis daro ah oon horey loo arag nuuciisa kaa oo loo geestay Muwaadin Soomaali ah oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Abshir halka mid kalana lagu dhaawacay.
Labadan Nin ee Soomaalida ah ee dilka iyo dhaawac loo geestay ayaa waxa ay saarnaayeen gaari yar waxa ayna xiligaasi la dilayay ay kasoo laabteen goob ay telfoon kadirsadeen ay eheladooda kala soo hadleen iyadoona Kooxo gaangistaro manaxayaal ah ay jidka u galeen kadibna ay dileen.
Kooxaha Burcada ee dilka geestay ayaa u istaagay xaafadii ay gaariga ku dhaxwateen iyagoona durba toogtay Wiilkii darawalka ahaa halka kan kalana oo baxsad isku dayay ay dhawaceen iyadoona Dilka kadib kooxahaasi Meydka gaariga inta kasoo saareen kadibna si naxariis daro nah gaariga u jiirsiiyay Marxuunka dhintay.
Dilka kadib goobta waxaa soo gaaray Ciidamada Booliiska iyo Soomaali badan oo aad uga xumaa falka naxariisdarada ah ee lagu dilay Muwaadinkan Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Abdi ABshir .
Wali lama oga sababaha ka dambeeya Dilkan naxariisdarada ah gacantana laguma soo dhigin kooxihii dilka geestay iyadoona Dilkan uu qeyb kasii noqonayo dilalka gumaadka u eg ee markasta Soomaalida loogu geesto Dalka K/Africa.