GABAR ISBITAALKA BAYDHABO KU JIRTEY OO LACAG LA GAARSIIYAY.17/12/2012

GABAR ISBITAALKA BAYDHABO KU JIRTEY OO LACAG LA GAARSIIYAY.17/12/2012

Ayadoo isbitaalka weyn ee magaalada baydhabo ku jiraan dad qaba dhaawacyo kala duwan ayaa waxaa dadkaasi sidii loo caawin lahaa isku howshay hay'ad wadani ah oo ka howl gasha gudaha iyo dibada.

Hay`adaan ayaa muxoga u xiratey sidii ay wax uga qaban laheyd dadka dhibaateysan kuna sugan gudaha dalka soomaaliya.
 
 
Alhimma foundation ayaa maanta deeg lacageeda gaarsiisey gabdhii ku xanuunsaneyd isbitaalka guud ee magaalada baydhabo xarunta gobolka baay.
 
 
Gabadhaan maanta deeqda lacageed gaarsiisey hay`adaan wadaniga ah ee Alhima waxay ka midtahay dadka sida aadka ah ugu dhibaateysan gudaha dalka soomaaliya gaar ahaan iskutaalka weyn ee magaalada baydhabo.
 
 
Shaley ayay aheyd markii hay'daan Alhima isbitaalka magaalada baydhabo wiil asna ku dhibaateysanaa halkaasi ay u qaadey magaalada muqdisho ee caasamada dalka si halkaasi loogu soo dabiibo.