heshiis Hordhac ah oo ay Kala Saxiixdeen Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti,27/11/2012

heshiis Hordhac ah oo ay Kala Saxiixdeen Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti,27/11/2012

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa shalay kulan la qaatay dhiggiisa dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle kaas oo ay uga wadahadleen xiriirka labada dal iyo xaaladda guud ee dalka Soomaaliya iyo weliba ciidamadooda jooga Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulanka ka hadlay ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee dalka Soomaaliya, isbedelada ka dhacay Soomaaliya iyo rajo u soo iftiimeysa sida uu yiri shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna soo hadal-qaaday ciidamada Jabuuti ee ku sugan qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Hiiraan oo qeyb ka ah howlgalka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ciidamadaasi ay door-lixaad leh ka qaadanayaan nabadeynta Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayey xiriirka labada dal waxa uu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh “Soomaaliya iyo Jabuuti waa labo dal oo walaalo ah, tan iyo burburkiina dowladda Jabuuti waxay la garabtaagneyd Soomaaliya kaalmooyin dhinac walba ah iyo dhiiragelin”, isagoo intaasi ku daray in dadka Soomaaliyeed ilaabi doonin xal u raadinta arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu sii wadi doono wixii karaankooda ah ee ay u heli karaan Soomaaliya, isla markaasna intii karaankooda ah ay caalamka ka dhaadhicin doonaan, isla markaasna Soomaaliya la siiyo kaalmooyin, isagoo xusay in dalka Jabuuti uu qabanqaabinayo kulan caalami ah oo dhaqaale loogu aruurinayo Soomaaliya.

Warar ku dhowdhow kulanka ayaa sheegaya in labada Madaxweyne ay maanta saxiixayaan heshiis horay u dhexmaray Jabuuti iyo Soomaaliya oo ku saabsanaa dhinacyada iskaashiga iyo kaalmada iyo iskaashi dhinac walba ah.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta booqanaya dekadda dalka Jabuuti halkaas oo uu dhagax dhigi doono mashaariic hormarineed oo dalka Jabuuti laga hirgelinayo, sidoo kale waxay booqan doonaan goobaha taariikhiga ah ee ku yaala dalka Jabuuti, waxayna galabta uga sii gudbayaan dalka Itoobiya.


Maak een gratis website Webnode