HIN KU AADAN SAFARKII MADAXWEYNE XASAN TURKI KU AADAY,05/12/2012

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo ayaa shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho iyagoona kusii jeeda wadanka aynu walaalaha nahay ee Turkiga.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa xalay goor danbe waxay gaareen magaalada Ankara ee xaruunta wadankaas, safarka madaxweynaha ee Turkiga aya waxaa kaga sii horeyay wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/laahi Ciil-mooge kaasoo usii gogol xaaray safarka madaxweynaha.
Safarka madaxweynaha oo aan horay wax faah-faahin ah looga bixin ayaa waxaa kasoo baxaya warar dheeraad ah iyo waxa uu salka ku haayo safarkiisa.
Madaxweynaha ayaa maalmahaanba waxa uu waday dadaalo dib loogu dhisayo ciidamada XDS, waxaana uu safari arintaas ku saabsan kusoo kala bixiyay wadamada Jabuuti iyo Ethiopia kuwaasoo ubalan qaaday ineey garab kusiin soonaan.
Sisoo kale madaxweynaha waxa uu latashiyo arintaas ku saabsan la lahaa saraakiishii hore ee ciidamada XDS iyo qabiiro dhanka milatariga ku xeeldheer oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib.
Saraakiil ku dhow Villa Soomaaliya ayaa u sheegay warbahinta in ujeedada koowaad ee safarka madaxweynaha ay tahay sidii uu madaxda Turkiga u weydiisan lahaa kaalmo ballaaran oo dib loogu dhisayo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, sida qalabeyntooda iyo tababaridooda.
Socdaalka madaxweynaha ayaa waxaa, sida saraakiisha ay sheegayaan ka horeeyay kulamo iyo xiriir madaxweynaha la sameeyay masuuliyiinta saddex dawladood loo kala ah Turkiga, Qadar iyo Masar oo ay masuuliyiin ka socotay booqashooyin ku yimaadeen Muqdisho bilihii u dambeeyay. Waxaana madaxweynuhu uu dalalkaasi weydiistay in laga gacansiiyo dhismaha ciidanka dalka.
Turkiga oo ahs aaxiibka rasmiga ee maanta Soomaaliya leedahay ayaa lagu wadaa ineey madaxweynaha uballan qaadaandib udhiska ciidamada XDS iyo kataageerida dhinaca loojiistikada iyo ineey ka taageeraan dhanka Tiknolojiyada.
Safarka Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa qayb ka noqonaya qorsho ballaran oo qayb ka ah xasilinta dalka iyo dib usoo celinta haybadii iyo karaamadii Ay Soomaaliya ku lahayd caalamka taasoo uu ballan qaaday xiligii xilkaan loo caleemo saarayay .