DOWLADA & AMISOM OO JOWHAR LA WAREEGAY SAAKA + SAWIRO 09/12/2012

DOWLADA & AMISOM OO JOWHAR LA WAREEGAY SAAKA + SAWIRO 09/12/2012

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa goor dhow si nabad ah ku galay magaalada Jowhar, kadib markii ay isaga baxeen xoogaga Al-Shabaab.
Sida ay sheegayaan wararka ciidamada dowladda oo wata gaadiidka dagaalka iyo Ciidamada AMISOM ayaa ka soo dhaqaaqay deegaanka Garaash Buula Garaam, halkaasoo saacad ka hor ay gaareen.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay ku sugan yihiin Xaafada Hantiwadaag, iyadoo banaanka saldhiga ay taagan yihiin oo aanay wali gelin saldhiga.

Sidoo kale Ciidamada ayaa durba tagay xarumihii maamulka, iyagoo u muuqda kuwo taxadir ku socda.

Dadweynaha magaalada ayaa isugu soo baxaya laamiga, si ay u daawadaan, waxaana dadka sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan.

Saaka markii Al-Shabaab ay ka baxeen magaalada waxaa gudaha loo galay saldhiga booliska oo laga qaatay agabyadii ku jiray.

Ciidamada ayaa inta aanay gudaha u gelin Jowhar waxay isticmaaleen xeelad cusub, iyagoo magaalada soo qoorteeyay, isla markaana qabsaday garoonka diyaaradaha Jowhar iyo deegaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahadaay, oo u jirta Jowhar ilaa 30-KM.

Magaalada Jowhar ayaa Al-Shabaab gacanta ugu jirta muddo saddex sano ah, iyadoo ay aheyd markii ay qabsadeen magaalada 17-kii May, xilligaasoo ay ka saareen Maxkamadihii Islaamiga.

Jowhar ayaa noqoneysa magaaladii ugu dambeysay ee koofurta Soomaaliya gacantooda laga saaro, bishii October ayay aheyd markii laga qabsaday magaalada Kismaayo.


 



 


 


Maak een gratis website Webnode