HOWLGAL DHIIG KU DAATEY OO KA DHACAY DULEEDKA MAGAALADA BAYDHABO.24/12/2012

HOWLGAL DHIIG KU DAATEY OO KA DHACAY DULEEDKA MAGAALADA BAYDHABO.24/12/2012

Wararka naga soo gaaraya dhanka Gobalka bay ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Dowlada Soomaaliya howlgal dhiig ku daatey ay ka sameeyeen sacadihii ugu danbeeyay deegaano hoos taga Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay.

Gudoomiyaha maamulka Gobalka Bay C/fitaax Maxamed Geesey oo la hadley qaar ka mid ah warbaahinta ayaa waxaa uu fafaahin ka bixiyey howlgalka qasaaraha geystay oo ciidamada maamulkiisa ay ka fuliyeen duleedka Magaalada baydhabo ee koonfurta Soomaaliya.
 
Ciidamada booliiska iyo kuwa nabad sugida oo wada socda ayaa waxaa uu tilmaamay Gudoomiyaha Gobalka iney weerareeen goob at fariisamo ku lahaayeen ciidamo ka tirsan Shabaab oo u dhow deegaanka Awdiinle ee Gobalka Bay,hase ahaatee halkaasi ay ku dileen rag dhowr ah oo ka tirsan Shabaab.
 
Gudoomiyaha maamulka Gobalka Bay ayaa waxaa uu intaasi ku darey in ciidamada Dowlada Soomaaliya haatan ay gacanta ku hayaan deegaanka ay howlgalka ka fuliyeen ciidamada Dowlada Soomaaliya,waxaana uu carabka ku dhiftey Geesey iney sii wadayaan howlgalada amaanka lagu xaqiijinayo.