WASIIRKA GAASHANDHIGA IYO MADAX KALE OO GAAREY JOWHAR,10/12/2012

WASIIRKA GAASHANDHIGA IYO MADAX KALE OO GAAREY JOWHAR,10/12/2012

 

 
Warar hada nooga imaanaya dhanka Gobalka Sh/dhaxe ayaa waxaa ay sheegayaan in goor dhow Magaalada Jowhar ay gaareen Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka gaashandhiga ee Xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM.
Wasiirka gaashandhiga ee Xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud iyo wafdiga ka lasocda ayaa waxaa lagu sheegay muhiimada ay halkaasi u tageen iney soo indha indheeyaan xaalada amaanka ee Magaalada maadama maalintii shaley degmada ay qabsadeen ciidamada Dowlada.
 
C/xakiin Xaaji Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalkaasi,hase ahaatee waxaa sidoo kale la qorsheyn doonaa sidii ciidamo Booliis ah loo geyn lahaa Magaalada Jowhar.
 

 


Maak een gratis website Webnode