qaar kamid ahaa maxaabiistii ku xirneyd Xabshiga dhexe ee Baydhabo ayaa galabta intooda abdan wada faktay kadib markii ay xabsiga jabiyeen.
dhalinyeradaan baxsatay ayaa waxay ahaayeen kuwii magaalada laga soo qabtay ayagoo shacab ah intooda badan walow lagu eedeeyey iney xiriiro la lahaayeen shabaab amaba qaarkood loo xukumey sida askar la qabtay oo kale.
dhalinyerada baxsatay ayaa intooda badan waxay ahaaeen kuwo qaarkood lagu xukumey dhowr sanadood waxaana la hubin rasmi ahaan halka ay la egtahay tiradooda walow wararka qaar ay sheegayaan inay gaarayaan 16 ruux.
Maamulka Degmada Baydhabo, taliyaha Kaalshiraha, iyo maamulka Gobolka ayaan weli ka hadlin tirada maxaabiistaan baxsatay iyo qaabka ay ku baxsadeen.
waxaa la xaqiijiyey in Gudaha ay derbiga soo duleeliyeen maalin cad islamarkaana ay wada baxsadeen intii insku meel ku wada xirnaayeen.
dadka qaar ayaa waxay shaki geliyeen in saraakiil iyo askar ka tirsan maamulka kaalishiraha ay arintaan fududeyeen laakiin weli xaqiiq looma haayo, al shabaabna kama aysan ka hadlin dhalinyerada baxsadey iney ayagu kamid ahaayeen iyo in kale.