Kenya oo Go’aansatay in Dadka Soomaalida ah Dib loogu Celiyo Dalkooda,11/12/2012

Kenya oo Go’aansatay in Dadka Soomaalida ah Dib loogu Celiyo Dalkooda,11/12/2012

Iyadoo ciidanka booliska ee ku sugan magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda Islii ay bilaabeen raaf culus oo lagu hayo dadka sharci darada ah ku jooga dalka Kenya ee Soomaalida ah ayaa Ra’isul wasaaraha Kenya Raila Odinga waxa uu sheegaya in raaf oo keliya aysan ku filneyn dadka Soomaalida ah, loona baahanyahay in dadka Soomaaliyeed dib loogu celiyo dalkooda hooyo.

Mr. Raila Odinga waxa uu sheegay in markani la gaaray xilligii la celin lahaa qaxootiga Soomaalida ah oo dhan, wuxuuna ku eedeeyay dadka Soomaaliyeed ee dalkiisa ku sugan inay ka dambeeyaan qaraxyada iyo amaan darada dalka Kenya ka jirta, wuxuuna soo jeediyay in dadka Soomaaliyeed oo dhan dib loogu celiyo dalkooda si buu yiri ay Kenya u hesho badbaado nabadeed, sidoo kale waxa uu sheegey inuu isbitaalka ku soo booqday Xildhibaan Yuusuf Xasan oo qarax lagu dhaawacay, isla markaasina xaaladdiisa ay aad u darneyd, ayna tahay mid aanan loo dulqaadan karin.

“Runtii waa wax aan loo dulqaadan karin in magaalada Nairobi gudaheeda Xildhibaan lagu dilo amaba lagu dhawaaco, waxaan booqday dhaawaca xildhibaan Yuusuf Xasan markii aan arkay caro xoog leh ayaan ka qaaday, waayo xaladdiisa ma aheyn mid fiican, waana waxa aan u leeyahay dadka Soomaaliyeed dalkooda halagu celiyo” ayuu yiri Raila Odinga Ra’isul wasaaraha dalka Kenya.

Dhinaca kale dhibaato xoogan ayaa soo wajahday dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda Islii ka dib markii dowladda Kenya ay soo saartay go’aan adag oo Soomaalida heysata kaararka aqoonsiga qaxootinimo dib loogu celinayo xerooyinka ay ka tirsanyihiin, waxaana amarkan ka soo baxay Kenya cabasho ay ka muujiyey dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi, kuwaasi oo nolol ku heysta magaaladaasi, iyadoo ay adagtahay inay dib ugu laabtaan xerooyinka qaxootiga ee Kaararka aqoonsiga ay ka heystaan sida ay ku doodayaan dhalinyaradaa