Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in magaaladaasi laga soo celiyey xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo socdaal ku tagay, waxaana la sheegay in xildhibanada Baarlamaanka Soomaaliya laga soo celiyey garoonka diyaaradaha dalka Kenya, waxaana lagu amray inay dib ugu laabtaan diyaaraddii keentay oo aan loo ogoleyn inay gudaha u galaan magaalada Nairobi.
Sida warku sheegayo saraakiisha ciidanka dowladda Kenya ee bixiyey amarka dib loogu soo celiyey xildhibaanadan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay sheegeen isla markaasna ay u sababeeyeen arrinkaasi inaysan jirin wax wargelin ah oo loogu sheegay inay xildhibaanadaasi dalka Kenya ku soo wajahanyihiin oo ay ka heshay Baarlamanka Soomaaliya, taasina ay keentay inay dib ugu celiyaan diyaaraddii ay ka soo degeen.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa xildhaanada laga soo celiyey garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay labo xildhibaan, kuwaas oo sidoo kale magacyadooda lagu kala sheegay Samiiro Xasan Cabdule iyo Axmed Nuur Sheekh Maxamed, waxayna dowladda Kenya ay ku andacootay inaan loo soo gudbin magacyada xildhibaanada iyo warbixin la xiriirta inay dalkeeda safari ku imaan doonaan, sidaasina ay u celiyeen, waxayna saraakiisha Kenya intaasi ku dareen in loo soo gudbiyey magacyada 188-xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya inay dalka Kenya safar ku tagi doonaan, kuwaas oo ay markii ay Kenya tageen uga sii gudbay dalka Yugandha, balse aysan heynin sida ay yiraahdeen magacyada labada ruux ee ay dib u soo celiyeen.
Si kasta oo ay ahaataba Baarlamanka Kenya ayaa horey warqad codsi ah ugu soo diray Baarlamanka Soomaaliya oo uu ka codsaday in loo soo gudbiyo magacyada 275-ta xildhibaan si ay ugu fududaato inay gudaha u galaan dalka Kenya marka ay doonaan inay safari ku tagaan dalkaasi, haddii aan loo soo gudbinna ay caqabad kala kulmi-doobnaan tagista Kenya, taas oo haddaba soo ifbaxday ka dib markii ay dowladda Kenya xildhibaano Soomaaliyeed u diiday inay dalkeeda gudaha u galaan.