Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya dib uga laabtey madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo kuwaasi oo maalmihii ugu danbeeyay booqasho ku joogay Dalka Turkiga.
Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh iyo wafdiga la socdey ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade kusoo dhaweeyay Madax ka tirsan Dowlada Soomaaliya gaar ahaana Ray'iisul wasaaraha Dowlada Soomaaliya Cabdi faarax iyo xubno ka tirsan Wasiirada.
Soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadley madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo marka hore ka hadley qaraxii xaley ka dhacay Masaajidka Al hidaaya ee Magaalada Nairobi halkaasi oo qasaaro xoogan ka dhashay.
Xasan ayaa sheegay in sababta Dowlada Kenya dalkeeda loo qarxinayo ay tahay caawinta ay siineyso Shacabak Soomaaliyeed,isagoona Dowlada Kenya uga tacsiyey wixii xaley dhacay,waxaa kaloo caafimaad u rajeeyay Xildhibaan Yuusuf Xasan oo qaraxa xaley ku dhaawacamay.
Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud ayaa waxaa uu sheegay in socodaalkii uu ku tagay dalka Turrkiga uu ahaa mid taaariikhi ah,islamarkaana ay ka wada hadleen Dowlada Soomaaliya iyo Turkiga arimo dalka Soomaaliya khiseeya.