M/WEYNAHA OO XALEY KULAN LA QAATEY BARLAMAANKA SOOMAALIYA 15/11/2012

M/WEYNAHA OO XALEY KULAN LA QAATEY BARLAMAANKA SOOMAALIYA 15/11/2012

Waxaa xaley xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya kulan casho sharaf ah ku yeeshey Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,Ray'iisul wasaaraha Dowlada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon,Gudoomiyaha barlamaanka jawaari iyo xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid casho ah oo Madaxweynaha Soomaaliya ugu tala galey barlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa loogu mahadcelinayay Barlamaanka Soomaaliya oo dhowaan codka kalsoonida ay siiyeen Xukuumada Cabdi faarax Shirdoon oo dhowaan soo dhisey,waxaana goobta ka hadley Madaxda Dowlada Soomaaliya.
 
Ugu horeyntii ayaa waxaa kulanka cashada ahaa hadal ka jeediyay ray'iisul wasaaraha Dowlada Soomaaliya Cabdi faarax Shirdoon oo sheegay inuu aad uga mahadcelinayo Barlamaanka Soomaaliya codka kalsoonida oo ay siiyeen maalin kahor kadib kulan ay yeesheen Barlamaanka Soomaaliya.
 
Ray'iisul wasaaraha Dowlada Soomaaliya ayaa goobta waxaa uu ka sheegay in Golaha wasiirada Soomaaliya si deg deg ah isbadel dalka u keenayaan,isagoona sheegay iney dagaal xoogan ay la galayaan Kooxda Shabaab ee Soomaaliya iyo Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida.
 
Intaasi kadib waxaa goobta cashada ah ka hadley Gudoomiyaha Barlamaanka Soomalaiya maxamed Cusmaan Jawaari oo sheegay in Barlamaanka Soomaaliya malamihii ugu danbeeyay ay qabteen howlo culus,isagoona hada sheegay in Barlamaanka ay sugayaan howlo badan oo howlaha sugayo ah.
 
Ugu danbeyntii waxaa goobta kulanka ka hadley madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay wada shaqeynta ka dhaxjirta hay,adaha Dowlada Soomaaliya,isagoona kula dar daaramay Xukuumada Saacid in si deg deg ah uga shaqa bilowdo xafiisyadooda.