M/WEYNE XASAN "CIIDAMADA HUBKA WATA MAGAALADA WAA LAGA SAARAYAA" 10/12/2012

M/WEYNE XASAN "CIIDAMADA HUBKA WATA MAGAALADA WAA LAGA SAARAYAA" 10/12/2012

Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay Magaalada Muqdisho ay ka jireen cabasho xoogan oo kasoo yeeraysay shacabka ku dhaqan Caasimada oo ku aadan in ciidamada Dowlada Soomaaliya dhibaato ay ku hayaan shacabka oo ay ka qaataan Mobelada iyo alaabo kale ayaa waxaa arintaasi ka hadley Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in mar dhow Dowlada Soomaaliya ay sameyneyso qorshe ah in ciidamada Dowlada Soomaaliya ee hubka wata Magaalada looga saaraya.
 
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu sheegay in maalmihii ugu danbeeyay ay soo garayeen cabasho xoogan oo dhanka amaanka kana soo yeereysay shacabka Magaalada,waxaana uu sheegay in arintaasi loo joojiyo ciidamada Dowlada Soomaaliya laga saarayo gudaha Magaalada.
 
"Waxaan sameyneynaa in dhowaan Magaalada aynu ka saarno ciidamada Dowlada Soomaaliya ee hubka ku dhax wata Magaalada Muqdisho,waxaana aan geyneynaa Xerooyinka ciidamada Dowlada Soomaaliya halkaasi oo askariga uusan ka soo bixi karin inta laga soo fasaxayo"Ayuu yiri Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya.
 
Hadalkan madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xili arintaasi dhowaan uu soo jeediyey Abaan duulaha ciidamada Xoogga Soomaaliyeed C/kariin Yuusuf Aadan Dhega badan,hase ahaatee waxaa aan la ogeyn xili la fulinayo arintan.