Maamulka Al-Shabaab ee Gobolka Galgaduud ayaa ciidamo kala dhigay beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolkaas, kadib markii ay ku guuleysteen inay kala qaadeen labadii maleeshiyo ee dagaalka dhex maray.,22/12/2012

Maamulka Al-Shabaab ee Gobolka Galgaduud ayaa ciidamo kala dhigay beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolkaas, kadib markii ay ku guuleysteen inay kala qaadeen labadii maleeshiyo ee dagaalka dhex maray.,22/12/2012

Maamulka Al-Shabaab ee Gobolka Galgaduud ayaa ciidamo kala dhigay beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolkaas, kadib markii ay ku guuleysteen inay kala qaadeen labadii maleeshiyo ee dagaalka dhex maray.

Xoogag ka tirsan Shabaab ayaa la wareegay dhulka baadiyaha ee ay ku dagaalameen labada beelood ee walaalaha, waxaana ay heshiis kala dhex dhigeen labada beelood.

Kulan ka dhacay howdka deegaanka xiindheere ayaa odayaasha iyo waxgaradka labada beelood ee dagaalamay waxaa kula kulmay qurac hoostiisa saraakiil ka tirsan Shabaab, iyagoo u jeediyay khudbado iyo wacdi diini ah.

Saraakiil ka tirsan Shabaab ayaa sheegay inay kala dhex galeen labada maleeshiyo ee dagaalamay, isla markaana ay aqbaleen baraagihii lagu dagaalamay inay gacanta ku hayaan Shabaab, ilaa ay maxkamad ka go'aamineyso.

Dhex dhexaadinta labada dhinac oo muddo maalmo qaadatay, ayaa ka dambeysay markii waaliga Al-Shabaab ee Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub uu sheegay inay kala dhex galayaan labada beelood ee walaalaha ah.

Gobolka Galgaduud ayaa ku caan ah dagaalka dhex mara beelaha walaalaha ee dega, iyadoo ay salka ku hayaan murano ka dhashay lahaanshaha dhul deegaameed, ceelal biyood iyo kuwo kale.