Amar kasoo baxay Hogaanka Sare ee maamulka Gobolka Baay C/Fataax Maxamed Ibraahim Geesey ayaa xabsi loogu wada taxaabay dhalinyeadii Kacdoonka Gobolada Arlaadii oo isugu imaadey saaka Howlka Caalin Center Ee Degmada Baydhabo.Dhalinyeradaan kacdoonka wadey ayaa waxay wadeen abaabul ka dhan ah eedeymo loo jeedinayo Shirkada Hormuud Baydhabo oo inta badan lagu eedeeyey iney wax ka qaban weysey xaalada Cakiran ee isbitaalka Baydhabo, wadoonka Bur bursan daryeel la aanta waayeelada iyo caamiyaasha magaalada ayadoo bilkasta magaaladu ka qaado Lacago dhowr malyan oo doolar ah.
Dadaka ugu muhiimsan ee xabsiga loo taxaabay ayaa waxaa ugu horeeya
1- Bashiir Maxamed Aadan " Bashiir Xabashow" oo kamid ah ganacsatda Gobolka ugu waxqabadka wanaagsan
2- Gudoomiyihii Sports-ka Gobolka Baay Daahir Samaraana
3- Liibaan Aamiin oo lagu naaneeso Liban Yurubey" oo iska kamid ah dhalinyerada isports-ka isla mar ahaantaana kamid ah raga udhaq dhaqaaqa horumarinta deegaanka.
waxaa jiro dad kaloo badan oo aan magcadooda weli haaynin laakiin waxaanu kasoo gudbin doonaa Gadaal
su'aasha is weydiinta mudan ayaa waxy tahay Maxay Tahay Sababta uu mamaulka Gobolka Baay Ugu Kacay Arintaan Fowsha Xun. ma wuxuu diidan yahay xuriyada hadalka? ma Laaluushuu Qaatey?Ma Hormuud Ayaa Hogaanka Uheyso Maamulka Gobolka Arimihiisa? Intaas oo dhan dib ayaanu kaga soo jawaabi doonaa laakiin idinkuna noo soo gudbiya rayigiina.
sababta loo xirey dadkaan keliya waxay ahayd iney maanta banaanka isaga tuuri rabeen SIM_kaararkii ay ka isticmaali jireen shirkada Hormuud, oo ku dhaqaaqdey sida aad ku arki doontaan sawiradaan hoose.