MADARASADA DHAHAA BAYDHABO OO ARDAY KA QALAN JABISEY+ SAWIRO,26/11/2012

Madarasada Barashada Qur’aanka & Tarbiyada Islaamka Ee Dhaha Baydhabo ayaa Lagu Qabtay xaflad Qalan Jabin ah taasoo ay dhameysteen Qur’aanka Barashadiisa 15 Ardey Oo Isugu Jirtey Wiilal & Gabdho.

 
Ardadaan Ka Qalan jabisey Madarasada Barashada Qur’aanka & Tarbiyada Islaamka Ee Dhaha Baydhabo ayaa waxay noqonayaan Dufcadii 3aad ee madarasadaan ka qalan jabiso 2009 ilaa manta oo madarasadu Furan tahay.
 
Maamulka Guud ee Madarasada macalin Sheekh C/Fatax Sheekh Xasn ayaa wuxuu Abaal marino gudoonsiiyey Aradii Dhameysatay Xifdinta Qur’aanka Kariimka iyo weliba tarbiyada islaamka..
 
Ustaad Macalin C/fataax ayaa mudooyinkii ugu dambeeyeyba wuxuu ku maqnaa dalka koonfur Afrika halkaasoo ka furey Madaraso Kale oo wax lagu barao boqolaal caroor muslimiin ah, wuxuuna sheegey Macalinku in uu dhowaan balaarin doono Madarasada Baydhabo.