Madaxweynaha jamhuuriyada federalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysey si toos ah ula hadlay shacabka Soomaaliyeed isagoo ka warbixiyey xaalada siyaasadeed ee dalka ka jirtey 65kii maalmood ee uu xilka madaxtinimada dalka uu hayay caqabadihii ka horyimid iyo waxyaalaha u qabsoomay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Madaxweynaha ayaa mar uu ka hadlaayey dhismaha haykalka dawladnimo sheegay in hadda ay dhisan yihiin Golihii wasiirada, dhowaana lagu dhowaaqi doono, Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiro dawlayaal, kadibna dib loo habayn doono agaasimayaasha guud, loona gudbi doono Safiirada iyo diblomaasiyiinta.
Madaxweynaha waxa uu sheegay in mudada 65ta maalmood ee maamulkiisu uu jirey aysan wax khilaaf ah dhex marin madaxda ugu sareysa dowlada, waxana uu ku dhaliilay saxaafada qaarkeed in warar been ah ka sheegeen madaxda qaranka.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay arrimaha Jubbooyinka ayaa waxa uu sheegay in gobolada Jubbada Hoose,Jubbada Dhexe iyo Gedo ay la mid yihiin gobolada dalka balse labaatankii sano ee la soo dhaafay colaad badan ay ka jirtey, Waxana uu ku tilmaamay shacabka degen goboladaas inay yihiin dad nabada jecel oo aysan jirin colaad u dhexeysa dhexdooda balse ay ka dhici jireen deegaankaas in colaada laga soo abaabulo deegaano kale.
“Waxaan doonaynaa in colaadaas aysan dib u soo noqon dadkana ay helaan nabad.” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dadka ay deegaanada dalka oo dhan fursad la siinayo in ay maamulkooda soo xushaan, “Maamul u samaynta Soomaliya sida ay uga mas’uul tahay ayay gobolada Jubooyinkana ugaga mas’uul tahay.” Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowlada ay garab siin doonto maamulada ka dhalanayo gobolada Jubooyinka ayna u fududeynayso.
Waxana uu farta ku fiiqay in shacabka ay yihiin kuwa soo xulanaya dadka xukumaya ee maamulaya. Madaxweynaha oo ka hadlayay arrimaha dhuxusha ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa uu sheegay in dowlada ay ilaalin doonto deegaanka isla markaana aysan raali ka ahayn in dhulka la xaalufiyo. Waxa uu tilmaamay madaxweynaha in 4 malyan oo loor oo Kismaayo taal dib loogu celin karin geedo qarashna uu ka galay dad Soomaaliyeed.
Waxana uu madaxweynaha sheegay in dowlada doonayso dadkii hantida geliyey dhuxushaa in ay dib u helaan qarashkii ka galay balse aysan dowlada marna raalli ka ahayn in dib loogu noqdo keynta ee la soo jaro dhuxusha. Waxana uu sheegay in qaramada midoobay ay ka mamnuucday dalka Soomaaliya in dalka laga dhoofiyo.
Madaxweynaha ayaa ka codsaday shacabka inay dulqaad muujiyaan inta dowlada ay wax ka qabanayso horumarinta caddaalada iyo amniga.
Madaxweynaha waxa uu sheegay in dhul kasta oo a dowladu lahayd kahor 26kii janaayo 1991 in uu yahay dhul dowlo,balse dadka ay isticmaali karaan balse aysan lahayn milkiyada dhulkaas.
Madaxweynaha jamhuuriyada federalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysey si toos ah ula hadlay shacabka Soomaaliyeed 15/11/2012
