Madaxweynaha Somalia oo laga saaray Baarlamanka Somalia iyo xildhibaan cusub oo lagu bedelay,.03/12/2012

Madaxweynaha Somalia oo laga saaray Baarlamanka Somalia iyo xildhibaan cusub oo lagu bedelay,.03/12/2012

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa baneeyay xubinimadii Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la sheegay in booskiisa loo dhaariyey xildhibaan kale oo cusub, kaasoo la sheegay inuu bedelayo booskii xildhibaaniimo ee uu baneeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulan uu shalay Baarlamaanka Soomaaliya yeeshay, isla markaasna uu shir gudoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa lagu dhaariyey xubin cusub oo bedelaysa xubinnimadii Baarlamaanka ee uu madaxweynuhu baneeyay, waxaana xubinnimadaasi Baarlamaanka shalay loo dhaariyey nin lagu magacaabo Cabdulaahi Xaaji Cali Gadafey.
 

Xildhibaanka la dhaariyey shalay oo lagu magacaabo Cabdulaahi Xaaji Cali Gadafey ayaa ka soo jeeda beesha Waceysle Abgaal gaar ahaan jufada Absuge, waxaana soo baxay markii ugu horeysay xubno ka soo horjeeda inuu booska uu baneeyay Madaxweynuhu loo dhaariyo Cabdulaahi Xaaji Cali Gadafey, waxayna sheegeen in Madaxweynuhu ay u habooneyd inuu ku soo celiyo beeshii horay u magacaabatay ee Cali Gaaf, isaguna uusan keensan nin saaxiibkiis ah.

“Ma aheyn Madaxweynuhu inuu bedelkiisa keensado qof uu isagu jecelyahay oo ay saaxiibo yihiin, waxay aheyd in kursiga uu baneeyay uu u soo celiyo beeshiisa, ka dibna Odayaasha dhaqanka ay doortaan ninkii ugu mid noqon lahaa booska uu baneeyo Madaxweynaha” ayey yiraahdeen xubnahan ka soo horjeeda ninka lagu bedelay booskii xildhibaanimo ee uu baneeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna ku doodeen xubnahan inay maxkamad la tiigsan doonaan ninkaasi iyo madaxweynaha, waxayna ku doodeen inuusan ninkaasi iyaga metelin ka beel ahaan.