Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta u ambabaxaya Turkiga,,04/12/2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta u ambabaxaya Turkiga,,04/12/2012
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu goor dhow u ambabaxo dalka Turkiga, halkaasoo uu tagayo booqasho rasmi ah.
Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la xiriira casuumaad uu ka helay dhiggiisa Turkiga Abdullah Gül, waxaana safarkiisa ku wehlin doona shan xubnood oo ka kooban afar wasiir oo ka tirsan xukuumadda federaalka dalka iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneraal Cabdulqadir Sheekh Cali Diini.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu maanta ka dago magaalada Ankara, wuxuuna Turkiga ku sugnaan doonaa muddo afar maalmood ah.
 
 
Marka uu dhammeysto wada-hadallada rasmiga ah ee uu madaxda Turkiga kula qaadan doono Ankara, Xasan ayaa la filayaa inuu Khamiista gaaro magaalada Istanbul.
Madaxda Turkiga iyo Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka wada hadlaan arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo horumarrada caalamiga ah ee saameynta ku leh qaaradda Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Turkiga ayaa lagu sheegay inuu madaxweynaha Turkiga ku faraxsan yahay booqashada madaxweyne Xasan uu ku tagayo Turkiga.
Waa markii ugu horreysay oo uu madaxweyne Xasan booqasho ku tago dalka Turkiga, tan iyo markii uu noqday madaxweynaha dowladda Soomaaliya horraantii September ee sannadkan.