Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casho sharaf u sameeyay wafdiga uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Idiris Aar-naaquud Cali oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.14/12/2012

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casho sharaf u sameeyay wafdiga uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Idiris Aar-naaquud Cali oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.14/12/2012

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casho sharaf u sameeyay wafdiga uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Idiris Aar-naaquud Cali oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.

Munaasabada casho sharafta oo ay ka qeyb galeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Ra'iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan Golaha wasiirada iyo Xildhibaano, iyadoo madaxda dowladda ay amaaaneen doorka dowladda jabuuti.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay in Jabuuti kaalin muuqda ay ka qaadato xalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay ku socoto wadadii horumarka, isla markaana ay cagaheeda ku istaagi doonto.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in dhigiisa Jabuuti ay kala saxiixdeen heshiis is afgarad ah, isla markaana wixii hada ka dambeeya wada shaqeyn ay dhex mari doonto labada Baarlamaan.

Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Idiris Aar-naaquud Cali ayaa dhankiisa ka mahad celiyay sida sharafta badan ee loo soo dhoweeyay, isagoo tilmaamay inuu la dhacsan yahay sida Soomaaliya uga baxday KMG.

Ugu dambeyn waxaa Xaflad ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu uga mahadceliyay sida Jabuuti ay mar walba isu bar baartaagto shacabka Soomaaliyed, waxaana uu xusay in tan iyo markii ay dhacday dowladdii hore ay Jabuuti ay ka xanuunsaneysay dhibaatada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in labada shacab ee Jabuuti iyo Soomaaliya ay walaal dhab ah yihiin, waxaana uu cadeeyay in dadaalka Jabuuti uu had iyo jeer ahaa mid muuqday, waxaana uu uga mahadceliyay sida dowladda jabuuti u garab istaagtay Soomaaliya xilliyadii adkaa ee ay soo martay.


 



 



 



 



 



 



 



 



 



 



 




 


Maak een gratis website Webnode