Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa heshiis dhowr qodob ka kooban oo la xiriira iskaashiga ammaanka shalay ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, xilli Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh booqasho labo maalmood ku joogo Kenya.
Labada Madaxweyne ayaa si wada jir ah u sheegay inay wada shaqeyn doonaan sidii labada dal isaga kaashan lahaayeen sidii qaxootiga Soomaaliyed ee dalkaas ku nool dib loogu celin lahaa.
Kulan saacado qaatay oo Labada Madaxweyne ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada ayay waxay kaga soo saareen war murtiyeed ka kooban 11-qodob, kaasoo ay ku yesheen labada Madaxweyne.
Wasiirka Arrimaha dibada Kenya Sam Ongeri ayaa saxaafada u aqriyay qodobada war murriyeedka, iyadoo labada Madaxweyne ay soo dhoweeyeen war murtiyeedka.
Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashadii u horeysay ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo cadeeyay in la joogo xilligii dowladda Soomaaliya ay horumar sameyn laheyd.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa isna dhankiisa ka mahad celiyay soo dhoweynta loo sameeyay, isagoo tilmaamay in isaga iyo dhigiisa Kenya ay ku heshiiyeen qodobo wax tar u leh labada dowladood.
Qodobada qaar ayaa waxaa ka mid ah in la unko xiriir qoto dheer oo ay yeeshaan labada dowladdoo, in dib loo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya in la sameeyo gudiyo ka kala socoda wasaarada Arrimaha dibada labada dal, kuwaasoo la socda ammaanka xuduuda labada dal.
Labada Madaxweyne ayaa si wada jir ah uga dalbaday Golaha Ammaanka inuu waqtiga u kordhiyo Ciidamada AMISOM, kuwaasoo waqtigooda ugu ek yahay bisha Maarso ee sanadka 2013-da, sidoo kale awoodo dheeraad ah la siiyo.
Bishii November Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mudada ugu kordhiyay Amisom, afar bilood, taasoo ka dhigan in ciidamadu uu waqtiga sharciga ah ee ay Somalia ku joogaan uu ka dhamaanayo bisha March todobadeeda sanadka soo socda.
















