Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo ku sugan Dalka Mareykanka ayaa kulan xasaasi ah la qaatay aqalka hoose ee Komgareeks, iyagoo ka wada hadlay arimo xasaasi ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday aqalka Kongareeska mareykanka ayaa waxaa ku soo dhaweeyay inkabadan 21 Mudane, kuwaasoo ka tirsan Konagreeska Mareykanka, waxayna ka wada hadleen arimaha soomaaliya iyo isbadalka dalka ka dhacay.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo Marti ahaa ayaa marka hore laga dhageystay khudbad ku saabsan dalka Soomaaliya iyo xaalada, wuxuuna madaxweynaha si wanaagsan uga warbixiyay xaalada dalka, sida siyaasada, dhaqaalaha, amaanka iyo dagaalada ka socda qaar ka tirsan Gobolada Dalka.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Mudanayaasha Kongareeska inay safaaradooda ka furtaan Soomaaliya, maadaama dalka sidi hore uusan ahayn,sidoo kalana amaanka la isku haleyn karo, wuxuuna u sheegay in safaarado badan ay ka furan yihiin Muqdisho.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sido kale tilmaamay in xiriirka wadamada Dariska ah uu yahay mid wanaasgan, Dowladiisana ay wax yaabo badan ka qabatay waqtigi yaraa ee ay jirtay.
Madaxweynaha Jamhuuriyada oo hogaaminayo Tiro wafdi ah ayaa kulamo la qaadan doona Wasiirada arimaha Dibada Mareykanka Hillary Clinton iyo masuuliyiin kale, waxaana sidoo kale wasiirada arimaha dibada Soomaaliya oo wafdiga ka mid ah ay suuragal tahay inay kulan la qaadato dhigeeda mareykanka.
Wafdiga madaxweynaha ayaa kulan la qaadan doonaJaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolada Mareykanka, waxaana kulankaasi lagu wadaa inuu dhaco Maalinta Bari ah waa sida ay wararka sheegayaan.