Maraakiib Sanaad Ciidan Sida oo ku Xiran Dekada Magaalada Kismaayo iyo Howlihii Dekada,22/12/2012

Maraakiib Sanaad Ciidan Sida oo ku Xiran Dekada Magaalada Kismaayo iyo Howlihii Dekada,22/12/2012

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxay sheegayaan in dekadda magaaladaasi uu ku soo xirteen xalay labo markab waa-weyn oo la sheegay inay wadeen hub iyo saanad ciidan, waxaana markiibtaasi dusha sare ka ilaalinayey diyaaradaha dagaalka ee sida qumaatiga u kaca.

Sida warku sheegayo labo markab oo waday taangiyo iyo qalab ciidan oo kale ayaa ku soo xirtay dekadda Kismaayo, waxaana shaqaalihii dekaddaasi lagu amray inay joojiyaan howlihii ay dekadda ka hayeen, waxaana la sheegay in shaqaalaha banaanka looga saaray dekadda, dejinna lagu bilaabay labada markab oo wada baabuurta gaashaaman, taangiyo iyo agab ciidan, kuwaas oo ay iska leeyihiin ciidamada Silalyoon ee qeybta ka ah ciidamada Midowga Afrika ee loo yaqaano AMISOM.

“Maraakiib waa weyn ayaa ku xiran dekadda Kismaayo, shaqaalihii dekadda waxaa amar lagu siiyey inay banaanka uga baxaan dekadda, haatan waxaa socota sida aan warka ku helnay dejinta hubkii iyo baabuurtii ay wadeen maraakiibta ku xiran dekadda Kismaayo, sida na loo sheegay maraakiibtaasi waxay u raranyihiin ciidanka Silalyoon ee qeybta ka ah kuwa AMISOM oo la qorsheynayo inay ka howlgalaan gobolada Jubbooyinka” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha dekadda oo diiday in magaciisa la xuso sababo amaan.

Dhinaca kale dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ururka Raaskambooni ayaa doraad ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo, waxaana la sheegay in dagaalka oo geystay khasaare aan sidaasi u buurneyn hadda lagu guuleystay in la xalliyo ciidamadii dagaalamay oo illaa shalay maqribkii isku horfadhiyey gudaha magaalada la kala qaaday, isla markaasna jawiga magaalada uu yahay mid xasiloon, inkastoo ay suuragal tahay in xabadd ay markasta bilaabato, maadaama ay ciidamadu ku wada suganyihiin gudaha magaalada Kismaayo.