waxaa xalay xabsiga baydhabo la dhigey madax ka tirsaneyd maamulka & qaar kamid ah dhalinyerada Deegaanka kuwii igu fir fircoonaa. Madaxda Xabsiga loo taxaabay ayaa waxaa ugu horeeyey Guddoomiyaha
	1- Guddiga Isku xirka iyo Hormarinta Shacabka G/Bay Mudane: Saabir Olaad Golli 
	2- Gudoomiyaha Isportska Gobolka Baay Daahir Samaraano 
	3- Liibaan Aamin " Liibaan Yururbey" 
	4- C/kariin Guumow 
	& qaar kaloo katirsan Dhalinyeradii Magaalada Ugu Fir Fircooneed 
	Sababta loo xirey dhalinyeradaan ayaan ayaan weli ka hadlin maamulka Degmada & Gobolka balse wararkaaanu heleyno qaarkiis ayaa sheegaya in ay shalay magaalada ka abaabuleen Dad aad u tiro badan kuwaasoo rabay iney soo dhoweeyaan Wefdigii baaqdey ee uu hogaaminayey Madaxweynaha Ganaane StateNuur Maxamed Macalin " BUKUROW" & Kuxigeenka Maamulka Gobolka Shiino Macalin Nuurow