Daqiiqado ka hor ayaa waxaa xabsiga magaalada Baydhabo laga soo daayey Guddiga Isku xirka iyo Hormarinta Shacabka G/Bay Mudane: Saabir Olaad Golli Oo kamid ahaa tagii xalay xabsiga la dhigey.
Guddiga Isku xirka iyo Hormarinta Shacabka G/Bay Mudane: Saabir Olaad GolliAyaa wuxuu kulan loogu hadlayey arinta xiragooda xarunta madaxtooyada kula qaatay Saraakiisha Ethiopia Ee Baydhabo kusugan sida aanu ku helney wararka.
Dood dheer iyo iswareysi akdib Saabir ayaa xuriyadiisa dib loogu soo celiyey waxaana la siiyey amar ah in Raga kale ee Xabsiga ku xiran uu soo daayo sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow dhow Ragaan la xirey,
Daqiiqado kadib ayaa lagu wadaa in Gudoomiyaha Sports Goblka Baay & Daahir Samaraano & Asxaabta kale ee la xiran ayaguna dib u helaan Xuriyadooda , maamulka degmada iyo Kan Gobolka Ayaan arintaan weli ka hadlin,
Sidoo kale waxaa Baydhabo manta gelinkiid ambe gaarey Madaxweynaha Maamul Goboleedka Ganane State Mudane Nuur Maxamed Macalin " BUKUROW" kaasoo xalay dartiisa loo xirey dhalinyeradaan xalay ku bariyey Xabsiga Baydhabo,Madaxweyne Bukurow ayaa laguwadaa in Waqtiyada dhow asaguna saxaafada la hadlo kaasoo ka warbixin doono Raga Daraadiisa loo xirey iyo ujeedka safarkiisa Baydhabo.