Maxaabiis gaareysa labaatameeyo dhalinyaro ayaa xalay ka baxsaday xabsi ku yaal magaalada Baydhabo, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan qaabka baxsashadooda.,,03/12/2012

Maxaabiis gaareysa labaatameeyo dhalinyaro ayaa xalay ka baxsaday xabsi ku yaal magaalada Baydhabo, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan qaabka baxsashadooda.,,03/12/2012
Maxaabiis gaareysa labaatameeyo dhalinyaro ayaa xalay ka baxsaday xabsi ku yaal magaalada Baydhabo, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan qaabka baxsashadooda.

Sida ay sheegayaan wararka maxaabiistan ayaa ahaa dhalinyaro lagu tuhunsanaa inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo horay lagu qab qabtay howl galo laga sameeyay Baydhabo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maxaabiistan ay ka faa'ideysteen ilaalada xabsiga oo habacsanaan ka muuqatay, iyagoo qaarkood hurdayay, waxaana ay jabsadeen albaabka.

Gudoomiyaha Gobolka Baay C/fitaax Geeseey ayaa sheegay inay socdaan baaritaan ku saabsan sababihii ay u baxsadeen maxaabiista, isagoo xusay in lagu raad joogo.

"Waxaan wadnaa baaritaan aan ku ogaaneyno sababaha ka dambeeyay inay baxsadaan maxaabiistaas, waana lagu raad joogaa"ayuu yiri Mr Geeseey.

Ciidamada dowladda ayaa saaka lagu arkayay xaafado ka tirsan Baydhabo, iyagoo ka baadigoobayay dhalinyaradii xalay ka baxsatay xabsiga, iyadoo ciidamada ay ku gaaf wareegayeen gaadiidka dagaalka.

Maxaabiistan ka baxsatay xabsiga baydhabo ayaa noqonaya kuwii u horeeyay oo ka baxsada xabsi ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirta Xarakada Al-Shabaab.