Muqdisho.Fiqi iyo Taliyaha ciidamada xoogga oo u dhoofey Turkiga. 16/01/2013

Muqdisho.Fiqi iyo Taliyaha ciidamada xoogga oo u dhoofey Turkiga. 16/01/2013

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya gaar ahaana Garoonka Diyaaradaha ka dhoofey Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Gaashandhiga ee Xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.

Socodaalka Wasiirka gaadhanshiga ee Xukuumada Soomaaliya uu uga an babaxay dalka Turkiga gaar ahaana Magaalada Ankara ayaa waxaa ku wehelinaya Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed C/qaadir Cali Diini iyo saraakiil kale oo Soomaali iyo AMISOM isugu jirta.
 
Wasiiraka Gaashandhiga ee Xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji oo wariyaasha kula hadley garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in sababta ay uga socodaan dalka Turkiga ay tahay kulan ka dhacaya Magaalada Ankara oo loogu yeerey iney kasoo qeyb galayaan.
 
Waxaa uu sheegay Wasiirka in Shirka ka dhacaya Magaalada Ankara oo soconaya laba maalin looga hadlo doono arimaha Soomaaliya islamarkaana iyaga ay la shir tagayaan sidii taageero buuxda looga heli lahaa Dowlada Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.
 
Shirka ka furmaya dhowaan Magaalada Ankara oo Dowlada Soomaaliya ka qeyb galeysa ayaa waxaa uu socon doonaa sida uu wasiirka Sheegay mudo laba maalmood ah,waxaana lagu wadaa Taliyaha ciidamada Xoogga iyo Wasiirka iney hadal ka jeediyaan kulankaasi.