Waxaa saaka magaalada Muqdisho ee ciidamada Soomaaliya Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya ay ka fulisey xukun dil ah oo ay horey uga ridey ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya oo horey loogu eedayay iney dhibaato u geysteen gabdho Soomaaliyeed.
Fagaaraha iskuu Boolisiya ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu toogtey laba Askar oo ka tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya kuwaasi oo dhowaan kufsi u geystay Gabdho Soomaaliyeed,waxaana goobta lagu tooganayay joogey madax ka tirsan Dowlada Soomaaliya.
Raga la toogtey oo ahaa laba ruux oo ka tirsanaa ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Jamaal Amxed oo isagu fal dil ah ka geystay Soomaaliya iyo Dable XDS Cabdi Cismaan Cali oo isaguna lagu eedayay inuu dhowaan Kufsi u geystay gabdho Soomaaliyeed.
Taliyaashii ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Maxkamada ciidamada qalabka sida ee xukunka fuliseyba waxaa ay sheegeen in saan ay u danbeyn doono cidii lagu arko iyadoo dhibaato u geysaneysa Shacabka Soomaaliyeed ee an waxba galabsan.