Mwai Kibaki oo ah Madaxweynaha dalka Kenya oo xilkiisa sii dhamaanaya ayaa waxaa uu khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka hor jeediyey Barlamaanka dalka Kenya,iyadoona ay noqoneyso khudbadan tii ugu danbeysay oo isaga iyo Barlamaanka Kenya isku hor fariistaan.
Madaxweynaha dalka Kenya ayaa waxaa ka mid ah waxyaabihii uu ka hadley howlada ciidamada Kenya ay ka wadaan dalka Soomaaliya,isagoona sheegay in guulo waa weyn oo la taaban karo ay ka gaareen dagaalka ay la galeen xarakada Shabaab ee Soomaaliya.
Mwai Kibaki waxaa uu tilmaamay in intii ay dagaalka ku qaadeen Soomaaliya askar badan oo kenyaan ah dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartey hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in taas qasaaraha waxba loo arkin oo ciidamada amaanka guulo ay keeneen islamarkana meelo badan laga qabsadey Shabaab.
Mar uu hadlayay ayaa waxaa uu tusaale usoo qaatey quusha ciidamadiisa ay ka sameeyeen deegaano kuyaala Gobalada Jubooyinka oo ay maamulayeen kooxda Shabaab,waxaana uu yiri waxaa ka mid ah meelaha aan casharka ku siiney shabaab Magaalada Kismaayo iyo meelo kale.
Ciidamada ay u direen dalka Soomaaliya ayaa ku sheegay Mwai Kibaki iney yihiin ciidamo geesiyiin ah oo hor mar ka sameeyay nabad kusoo dabaalida dalka Soomaaliya,waxaana uu sii balan qaadey in dalka Soomaaliya ka shaqeyn doonaan nabadeyntiisa iyo sidii loosoo celin lahaa kala danbeyntii.