Bam gacmeed lagu weeraray suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhaaawacantay inku dhow labaatan haween ah oo ku sugnaa qeybta dahablaha ee suuqa bakaaraha oo ah kan ugu weyn magaalada Muqdisho.
Weerarkan ayaa la sheegay in lagu qaaday taliye ku xigeenka ciidamada booliska suuqa bakaaraha oo xilligaas ku sugnaa agagaarka halka uu qaraxan ka dhacay, hase yeeshee taliye ku xigeenka ayaan waxba ka soo gaarin weerarkan sida ay sheegeen dad ku sugan suuqa Bakaaraha.
Ciidamada booliska suuqa bakaaraha ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen qofkii ka dambeeyay weerarka sababay dhaawaca tirada badan ee suuqa bakaaraha, iyadoo dad badan loo qabqabtay weerarka bam gacmeedka.
Weerarka qaraxan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ka dhacay suuqa bakaaraha muddooyinkii la soo dhaafay iyadoo dhowaan xaalada ammaan ee suuqa bakaaraha iyo guud ahaan magaalada Muqdisho ay soo wanaagsanaanaysay.
Hase ahaatee dhowaan ayaa lagu diley bartamaha suuqa bakaaraha guddoomiyihii gacansatada ee suuqa bakaaraha iyo kornel ka tirsanaa ciidamada.
|