Qax kabilaawday deegaanada shabaabku ay ka tilyaan ee gobalka Gedo iyo ciidamo Itoobiyaan ah oo kuwajahan.20/11/2012

Qax kabilaawday deegaanada shabaabku ay ka tilyaan ee gobalka Gedo iyo ciidamo Itoobiyaan ah oo kuwajahan.20/11/2012

Wararka laga helayo degmada Buur-dhuubo ee gobolka Gedo ee koofurta dalka Soomaaliya ayaa waxa ay xaqiijinayaan in qax uu ka bilaawday degmadaas iyo hareeraheeda.

Barakacaan degmada ka bilaawday ayaa lasheegay in uu ka danbeeyay warar soo baxaya oo sheegaya in ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira oo kasoo ruuqaansaday degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay ay kusoo wajahanyihiin degmada.

Ciidamadaasi ku wajahan degmada Buur-dhuubo ayaa lasheegayaa in ay doonayaan in ay Al-shabaab ka saaraan degmada, si gobalka Gedo uu uga fara marnaado Shabaab.

Sidoo kale barakacaan ayaa waxa uu sababsaday dagaalyahanada Shabaab ee kusugan degmadaasi oo isu diyaariyay dagaal ay kala hortagaan ciidamada huwanta ah ee kusoo wajahan si ay ugu fara adeegaan degmada iyo deegaanada kuxeeran.

Si kastaba barakacayaasha ayaa lasheegaa in ay u kala jeheesteen gooba kala duwan oo ay filayan in waayahaan uusan dagal kusoo wajahneyn