Qurbajooga Beelweynta Luwaay oo Kulan aan Caadi ahayn ku yeeshay London (Sawirro)

Qurbajooga Beelweynta Luwaay oo Kulan aan Caadi ahayn ku yeeshay London (Sawirro)

Qurbajooga Beelweynta Luwaay oo Kulan aan Caadi ahayn ku yeeshay London (Sawirro)

Kulankaan oo ahaa mid balaaran oo ay isugu yimaadeen Dhalinyaro, Waxgarad, Odayaal, Culimo, iyo Haween ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska.

Shirkan ballaaran ayaa qeybihiisa hore diirada lagu saaray arimo dhowr ah oo laxiriira horumarka sida waxbarashada, Caafimaadka, Wacyagelinta, wax soo saarka dalka, isdhexgelka iyo arimo laxiriira marxaladaha maanta uu marayo dalka iyo qodobo kale.

Xubnaha ka qeybgalay shirka oo intooda badan ka kala yimid Magaalooyinka Manchester, Bermingham iyo London ayaa isdhaafsaday fikrado kala duwan iyo sidii loo hormarin lahaa xiriirka iyo wada shaqeynta Beesha dhexdeeda iyo sidii wax loola wadaagi lahaa Beelaha kale ee walaalaha Digil iyo Mirifle iyo Guud ahaan Soomaali.

Shirka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa sidoo kale qadadka talefonada uga qeybgalayay xubno ku kala sugnaa wadamada Mareykanka, Australia iyo wadamo kale oo Yurubta kamid ah kuwaasi oo iyana fikradahooda ka dhiibanayay dooda iyo aaraada madasha kulanka ka socotay, waxayna sheegeen in Kulankaan uu yahay tallabo dhinaca horumarka loo qaaday.

Intii uu socday Shirkaan ay yeelanayeen Jaaliyada Beesha Luwaay ee UK ayaa lagu xusay sida geesinimada leh ee Odayaasha Dhaqanka beelaha DM uga dhiidhiyeen hadaladii lagu aflagaadayay Gudoomiyaha baarlamanka intuu uu socday Shirkii Istanbul ee dalka Turkiga, iyagoo xubnaha Shairka ay cadeeyen in lagama maarmaan ay tahay in meel looga soo wada jeesto Midnimada iyo horumarka Digil iyo Mirifle.

Waxayna baaq iyo Amaanba u jeediyeen Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka beelaha DM Ugaas Isaaq Ibraahim iyo xubnihiisa waxayna ku dhiirageliyeen sidii markasta ay isugu duubnaan lahaayeen meelna ugaga soo wada jeesan lahaayeen waxkasta oo ka hor imaanaya danta Dalka, Diinta, Dadka iyo dhaqan wanaagii soojireenka ahaa ee Somalida ayna wax ula qeeybsan lahaayeen Duubabka kale ee Soomaalida.

Waxay kaloo hambalya ujeediyeen Safiirka cusub ee Safaarada Turkiga Ambassador Maxamed Mursal Wasiirkii Hantida Qaranka iyo Qalabeynta ahaana Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka KMG ah waxayna ka codsadeen inuu ku cadaalad falo howsha loo igmaday ee uu u hayo Shacabka Soomaaliyeed iyagoo Eebe uga rajeeyay inuu ku garabsiiyo xilka loo wakiishaday.

Gebagebadii Kulankaan ay yeesheen qeybaha kala duwan ee Qurbajoogta Beesha Luwaay ayaa laysku raacay in ladoorto hogaan KMG oo beeshu ay leedahay maadama ay horyaalaan Ajandooyin muhiim ah oo loo baahanyahay inlaga gudbo Xubnihii hore Besha uga wakiilka ahaana ay gudanwaayeen waajibaadkooda, waxaa isla goobta lagu doortay Afar (4) Xubnood oo si KMG ah howsha u siiwadaya kuwaasi oo kala ah.

1- Guddoomiye Macalin Aadan Macalin Cali.

2- G.xigeen C/saataar Maxamed Cali

3- Xoghayn Bishaar Ibraahim iyo xubin afaraad oo loo doortay Warfaafin

Sidoo kale waxaa lagu ballamay in shirarkale oo noocaan ah laysugu yimaado xiliyada soo socda.