R/Wasaaraha Dowlada Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Itoobiya ee hada kusugan qeybo kamid ah Gobolada Soomaaliya ay baaqi ku ahaaan doonaan isagoona shuruudo ku xiray ka bixitaanka ciidankiisa.
Hailemariam Desalegn R/Wasaaraha Itoobiya oo hadal jeediyay kadib markii ay shalay Adis Ababa ku kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya ee kusugan qeybo kamid ah Soomaaliya ay u joogaan taageerida Ciidamada Soomaaliya iyo sidoo kale la dagaalanka Dagaalyahanada Al-Shabaab.
R/Wasaaraha ayaana shuruud ku xiray in Ciidankiisa kala baxo Soomaaliya waxa uuna sheegay in Ciidankooda kala baxayaan Gudaha Soomaaliya marka ay soo dhameestirmaan Ciidamada Nabad ilaalinta ayna ku wareejiyaan Deegaanada ay hada joogaan Ciidamada Itoobiya iyo sidoo kale meesha laga saaro awooda Al-Shabaab.
“Waxaan sugeynaa ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya inay yimaadaan si ay inoo badalaan intaasi waxa ay ka danbeeyana waxaa sugeynaa ammaanka kadibna hadii ay yimaadaan waan isga baxeynaa Soomaaliya” Ayuu Yiri Hailemariam Desalegn.
Dowlada Itoobiya ma cadeyn xiliga rasmiyan doonayaan in ay kaga baxaan Gudaha Soomaaliya waxa ayna u muuqdaan in ay doonayaan in ay baaqi kusii ahaadaan Magaalooyinka iyo Deegaanada ay hada ka joogaan Gudaha Soomaaliya.
Ciidamada Itoobiya xoogooda waxa ay joogaan Magaalooyinka Baydhabo iyo Baladweyn waxaana Magaalooyinkaasi hada kusugan ciidamo aan sidaa u badneen oo katirsan Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM oo loogu tala galay in ay badal u noqdaan Ciidamada Itoobiya .