Ra’iisal Wasaarihii Dalka Talyaaniga Mario Monti oo is Casilay,22/12/2012

Ra’iisal Wasaarihii Dalka Talyaaniga Mario Monti oo is Casilay,22/12/2012

Ra’iisal Wasaarihii dalka Talyaaniga Mario Monti ayaa jimcihii shalay iska casilay ra’iisal wasaare nimadii dalkaas, waxaanu warqadii istiqaaladiisa gacanta kaga riday madaxweynaha dalka Talyaaniga Giorgio Napolitano.

Wakaalada wararka Talyaaniga ayaa sheegtay in warsaxaafadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada ee dalka Talyaaniga lagu cadeeyay in madaxweyne Giorgio Napolitano, uu istiqaaladii ka aqbalay ra’iisal wasaare Mario Monti, isla markaana uu durba bilaabay wada tashi uu la yeelanayo madaxda labada aqal ee Baarlamaanka dalkaas si la iskula meel dhigo magacaabista ra’iisal wasaare cusub oo uu dalkaasi yeesho.

Dhinaca kale Ra’iisal Wasaaraha is casilay Mario Monti, oo sida wakaaladu sheegtay inta noloshiisa ka haray ahaan doona, mudane ka tirsan aqalka odayaasha ee dalka Talyaaniga ayaa lagu wadaa inuu maalinta axada ee inagu soo foolka leh, uu qaban doono shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo inuu siyaasada ka baxayo iyo inuu ku sii jirayo.

Mario Monti ayaa xilka ra’iisal wasaare-nimo ee dalka Talyaaniga qabtay sanad iyo bil wax ka yar waxaanu xilka ka dhaxlay ra’iisal wasaare Silvio Berlusconi oo isagu is casilay wakhtigaas, waxaana laga yaaba inuu sii hogaamiyo xukuumada ilaa laga gaarayo bisha soo socota oo dalkaas ay ka dhici doonto doorasho, waxa kale oo suura gal ah in la kala diro baarlamaanka dalkaas maalinta isniinta ee inagu soo fool leh.