Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa shalay galab kormeer ku tagay labada wado ee Muqdisho looga soo galo dhinaca koofureed iyo waqooyi, halkaasoo fariisimo ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.06/12/2012

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa shalay galab kormeer ku tagay labada wado ee Muqdisho looga soo galo dhinaca koofureed iyo waqooyi, halkaasoo fariisimo ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.06/12/2012
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa shalay galab kormeer ku tagay labada wado ee Muqdisho looga soo galo dhinaca koofureed iyo waqooyi, halkaasoo fariisimo ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ra'iisul Wasaaraha oo ay wehliyeen Wasiirka Arrimaha gudaha, Abaanduulaha ciidamada xooga dalka, Taliyaha booliska, Kusimaha gudoomiyaha gobolka banaadir iyo saraakiil kale ayaa ugu horeyn waxaa uu ciidamada ku sugan aagaas uga mahad celiyay sida ay ammaanka u sugayaan.

Koontaroolada uu kormeeray Ra'iisul Wasaaraha ayaa kala ahaa Ex Koontarool Afgooye oo dhowaan isbaaro muddo tiil, gaadiikanada lacago looga qaadayay laga qaaday iyo dhinaca Maslaxa ilaa Darmooley ee duleedka Suuqa Xoolaha.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa kulan uu la qaatay saraakiisha ciidamada waxaa uu ku amaanay sida ay ugu heelan yihiin habeen iyo maalin difaaca dalkooda iyo dadkooda.

Kormeerkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Ra'iisul Wasaaraha ku tago koontaroolada laga soo galo Muqdisho, iyo fariisimaha Ciidamada dowladda ku leeyihiin, tan iyo markii loo magacaabay xilka bishii October.

Xukuumada Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay waday dadaalo dhinaca ammaanka iyo sidii Caasimada Muqdisho nabadgelyadeeda u xaqiijin laheydn, waxaana dhowaan lagu guuleystay in la qaado jidgooyooyin yaalay Muqdisho iyo nawaaxigeeda oo gaadiidka si sharci daro lacago looga qaadayay.