Sida uu qoray wargeyska La Republica ee ka soo baxa magaalada Rome ee wadanka Talyaaniga safaaradii Soomaaliyeed ee wadanka Talyaaniga oo ku taalla magaalada Rome ayaa markii ugu horeysay la ogaaday in loo bedeli doono hotel dalxiisayaashu degaan kadib markii dhismaha safaaradaasi uu kireeyay danjiraha dawlada Soomaaliya ee Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde”.
Dhismaha safaarada Soomaaliya ee Rome oo ku taalla deegaanka “Via dei Villini” ee caasimada Rome ayaa iska xirnaa tan iyo sanadkii 1991-kii markii ay burburtay dawladii dhexe ee Soomaaliya, hase yeeshee waxaa dib loo dayactiray sanadkii hore.
Dhismaha safaarada ayaa hadda la sheegayaa in lagu wareejiyey shirkad ka ganacsatada dalxiiska taasoo hotel ka furan doonta dhismaha, iyadoo laga yaabo in qaab dhismeedka safaaradda wax ka bedesho shirkadan la wareegtay.
Wargeyska La Republica ayaa war uu qiray wuxuu ku sheegay in jaaliyadda Soomaalida ee Talyaaniga ay ka hor yimaadeen qorshaha safaarada iyadoo dawlada Soomaaliya aysan wax war ah u heyn in safaaradda oo ah hanti qaranku leeyahay kuna taalla faras magaalaha caasimada Rome in safiirkii uu ka kireeyayu shirkad Talyaani ah.
Xubno ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ayaa wargeysku ka soo xigtay in qaar ka mid ah shaqaalaha safaarada ay soo wargeliyeen in guriga safaaradda la kireeyay mudo toban sano ah oo bishii ku keceysa $10,000 (toban kun doolar).
Heshiiskaasi ayaa waxaa wada gaaray Danjire Nuur Cadde oo sidoo kale ah safiirka Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub iyo shirkada kireysatay guriga oo laga leeyahay wadanka Talyaaniga.
Illaa hadda ma jiro wax jawaab ah oo laga hayo danjire Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” oo sida la sheegay hadda safar uga maqan dalka Talyaaniga. Sidoo kale illaa hadda ma jiraan wax war ah oo ka baxay wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya.
Haddii dhismaha safaarada uu gacanta u galo shirkadan Talyaaniga ah ayaa waxay noqineysaa safaaradii labaad oo Soomaalidu leedahay oo dad shisheeye ah ay la wareegaan tan iyo burburkii dawladii Soomaaliyeed.
Halkan ka aklhri wargeyska La Republica.