SHABAAB OO GUULO KA SHEEGTAY DAGAAL KA DHACAY DULEEDKA KISMAAYO,30/11/2012

SHABAAB OO GUULO KA SHEEGTAY DAGAAL KA DHACAY DULEEDKA KISMAAYO,30/11/2012
 
 
 
kadib markii xaley dagaal lagu hoobtey oo u dhaxeeyay ciidmada Dowlada Soomaaliya,kuwa Kenya oo isku dhinac ah iyo shabaab uu ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada hoose ayaa waxaa dagaalkaasi ka hadley kooxda Shabaab ee Soomaaliya.
Gudoomiyaha maamulka Shabaab ee Gobalada Jubooyinka Sheekh C/raxmaan Abuu Xudeyfi oo la hadley warbahinta ayaa waxaa uu fafaahin ka bixiyey weerar dagaalyahanada kooxda Shabaab xaley ay ku qadeen fariisamo ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin Duleedka Magaalada Kismaayo.
 
Mas'uulkan ayaa waxaa uu sheegay in u jeedadii ay ka lahaayeen dagaalka ay ka gaareen,islamarkaana sida uu hadalka u dhigey qasaaro xoogan ay gaarsiiyeen ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Dowlada Kenya oo ku sugnaa deegaanka weerarka lagu qaadey.
 
Waxaa uu sheegay Sheekh C/raxmaan in ciidamada Kenya dagaalkii xaley ay kaga gubeen ilaa iyo 3-gaari oo kuwa dagaalka ah sida uu hadalka u dhigey,hase ahaatee ma jirto cid ka madax banaan shabaab oo xaqiijineyso in dagaalka ciidamada kenya Gadiid laga gubey.
 
Ugu danbeyntii ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada kenya oo ku aadan guusha ay sheeganayaan kooxda Shabaab ee Soomaaliya,wallow mudo badan deegaanada Jubooyinka ay ku dagaaleen ciidamo iska soo horjeeda.