Iyadoo wali lagu muransan yahay Maamul u sameynta Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose ayaa waxaa arinta maamulkaasi ka hadlay Maamulka kooxda Shabaab ee Gobalada Jubooyinka.
Gudoomiyaha Maamulka Shabaab ee Gobalka Jubada Hoose C/raxmaan Xudeyfi oo la hadley warbaahinta ku hadasha afka kooxda Shabaab ayaa waxaa uu sheegay in magaalada Kismaayo ay tahay meel Soomaaliya aaney ka tirsaneyn oo sida uu sheegay ay maamusho IGAD.
Waxaa uu sheegay isagoo hadalkiisa wata Gudooamiyaha in Magaalada Kismaayo hada ay buux dhaafiyeen Odoyaal iyo waxgarad kuwaasi oo lagu mashquuliyey sidii maamul loogu sameyn lahaa Magaalada Xeebeedka Kismaayo ee Gobalka Jubada hoose oo shabaab mar hore laga saarey.
Waxaana sidoo kale Sheekh C/raxmaan Xudeyfi tilmaamay in magaalada Kismaayo gumeysi ay ku hayaan Urur Gobaleedka IGAD oo hadii aan laga qaban Magaalada Kismaayo ay noqon doonto meel dalka Soomaaliya aan laga maamuleynin.