SHIRKII DM ROMA OO CAAWA SI HORDHAC AH UBILOWDEY & BERITO OO KULAN BALAARAN DHICI DOONA-30/11/2012

kulankaan horudhaca ahaa ayaa wuxuu ku saabsanaa ergooyinkii ka yimid Wadanka Ingiriiska, Switzerland, Netherland & Jaaliyada Talyaaniga.
 
Isbarasho kadib waxaa la isla gorfeeyey xaaladaha ay ku sugan yihiin jaaliyadihii kale ee laga imaadey meelahooda sida Ingiriiska, Netherland, & Wadanka Switzerland.
 
waxaa la isku afgartay in isku xirnaashaha Xubanaha Jaaliyadaha wadamada laga imaadey ay tahay meel aad u wanagasan o ka wanagsan sidii saadkii hore waxaana la xusey in dhamaan jaaliyadaha ay isku wada waafaqsan yihiin taageerida Maamulka Ubaga ah ee loo sameynayo Gobolada Baay, Jubada Hoose & Dhexe, Bakool, Geddo & Shabeelaha Hoose.
 
waxaa sidoo kale la beel dareeyey Howlkii shirkaan loo kireeyey in lagu qabto kadib markii ay soo jeediyeen odoyaasha qaarkood in shrkaan lagu qabto Gurihii Hogaamiyihii geeriyoodey Allaha u naxriistee C/Qaadir Maxamed Aadan Zoobe o kuyaalo ROMA.
 
Natiijadii kasoo Baxda Shirkaan kala Soco Warbaahinta goofgaduud Guud ahaan & SOMSAATTV gaar ahaan Barnaamijka Nepethaa Naas La Nuugha Leh
 
gofgaduud.com BANA ROMA Talyaaniga

 


Maak een gratis website Webnode