Suldaanada iyo Malaaqyada Beelaha DigilMirifle ayaa si Weyn uga digey in Sed Bursi lagu sameeyo Maamul u sameynta Lixda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya, xilli ay soconayaan qaban qaabooyin arrimahaasi la xiriira.
Odayaashani oo kulamo kala duwan sameynayay maalmihii u dambeeyay ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in laga wada hadlo qaabkii maamul loo mideysan yahay loo sameyn lahaa Gobolada Koonfurta.
Hase yeeshee, Odayaashani ayaa ka digey in la isku dayo in maamul aan loo dhameyn oo Sed Bursi ah laga sameeyo meel kasta oo Beelaha DigilMirifle ay deegaan ku leeyihiin.
Hadalkan ka soo yeeray Odayaasha Dhaqanka DigilMirifle ayaa ku soo Beegmaya iyadoo kulan looga hadlayo arrimaha Maamul u sameynta Lixda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya uu Muqdisho ka soconayo, kaasi oo Mas’uuliyiinta Jabhada Raaskambooni ay ka biyo diideen in ay ka qeyb galaan.
Kala soco warar sugan: goofgaduud.com