Kadib markii saaka aroortii ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Dowlada Itoobiya oo joogey Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay qaarkooda ay u dhaqaaqeen dhanka iyo deegaano Gobalka ay ka maamulaan kooxda Shabaab ka bilowdey barakac xoogan.
Wararka aan ka heleyno deegaanada u dhaxeeya magaalada Baydhabo iyo degmada Diinsoor ee Gobalka Bay ayaa waxaa haatan si aad ah uga socda barakac xoogaan,waxaana deegaanada haatan barakaca uu ka socdo ku badan dad xoolo dhaqata ah.
Degmada Diinsoor oo ah meesha ay ku socdaan ciidamada Itoobiya oo shabaabka joogaan ayaa waxaa ka socda barakac xoogan tan iyo saaka,waxaana dadka ay u jiheysteen deegaano kale oo ka nab doon Degmada Diinsoor maadama lagu socdo.
Xaalada deegaanada u dhaxeeya Magaalada baydhabo iyo degmada Diinsoor ayaa jah wareer xoogan ka jira iyadoona ciidamadii maanta ka tagay Magaalada baydhabo lasoo sheegayo iney joogaan meel howd ah oo kuyaala wadada isku xirta labadaasi degmo.
Gobalka Bay ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa mudo badan ka socdey dagaalo xoogan oo u dhaxeeya dhinacyada Gobalka isaga soo horjeeda,hase ahaatee ciidamada Itoobiya ayaa haatan waxaa aad moodaa iney rabaan iney cagta mariyaan kooxda Shabaab.