War deg deg ah: dagaal ka socda Xaafada malaaya Kuuba ee islii Somali la Dilay..19/11/2012

Waxa goor dhawayd dagaal gacan ka hadal ah ka bilaawday magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada islii kaasi oo u dhaxeeyo Somalida dagan iyo Kenyanka.

Dagaalkan ayaa bilawday kadib markii dadka Kenyanka ah ay Somali kala dageen Basas iyo baabuurta Tax kuwaas oo wata baangado.

Wiil lagu Magacaabo Suldaan ayay kala dageen gaari Tax ah, kuwaas oo baangado ku jar jaray.

Baangado dhagaxaan ayay wataan dadka kenyanka ah kuwas oo Somalida ku soo weeraray xaafadaha ay dagan yihiin.

Sidoo kale Xaafada jookaali ayaa hada ka socdaa dagaalkii ugu kululaa ee gacan ka hadal ah.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha arimtaas