War Deg Deg Ah: Dagaal Xoogan oo Goordhow ka Qarxay Duleedka Degmada Jowhar,07/12/2012

War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay weerar xoogan ay ku qaadeen magaalada Jowhar.

Warka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo ku hareeraysan ay dhawar jebin ku sameeyeen Xoogaga Al-Shabaab waxaana haatan uu dagaal xoogan ka socdaa duleedka magaalada Jowhar.

Inkastoo dadka ku dhaqan Jowhar ay cabsanayaan hadana waxaa lasoo warinayaa in dagaalka uu xoogiisa deegaanka Booroor oo shan KM qiyaastii ujirta magaalada waxaana la maqlayaa rasaas xoogan oo labada dhinac ay is weydaarsanayaan.

Idaacadii shabaabku lahayd ee Andalus fadhigeedana uu ahaa magaalada Jowhar ayaa hawada ka baxday waxaana lagu soo waramayaa in xaaladu tahay mid Cakiran.

Dadka ku dhaqan magaalada Jowhar ayaa waxay ka cabsi qabaan in dagaalka uu ku soo fido gudaha magaalada isla markaana uu saamayn ku yeesho shacabka magaaladaasi.

Ilaa iyo iminka majirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha dowlada Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaan haatan ka socda meel ku dhow magaalada Jowhar.


Maak een gratis website Webnode